Taariikh Nololeedkii Cabdulle Raage Taraawiil

Cabdulle Raage



Cabdulle raage taraawiil waxoow ahaa nin caan ah lagana wada yaqaaano wadankeena soomaaliya kuna dhashay magaalada la yiraahdo ruun-nirgood, ee gobolka sh/dhexe, kuna soo barbaaray ceelka weylo- ku-xireed.

Cabdulle Raage waxaa uu Muqdisho soo galay 1961 ilaa 1962 waxaanu shaqo kabilaabay halkaas. cabdulle raage waxaa uu u shaqeyn jiray raadiyo muqdisho isagoo ka tirsanaana hobaladii waaberi ee qaranka waxaanu halkaas ka ahaa hal abuure, majaa jiliiste iyo gabyaa oo shaqadiisa aheed.

Markii uu mudo joogay Cabdulle muqdisho ayaa waxaa fariin u soo diray aabihii oo isagana gabyaa ahaa , lana dhihi jiray Raage Taraawiil wuxuuna fariin tiisa ku yiri sidan:

Ninka kobaha kooyaa leh iyo kulubka yeygiisa

oo baarlamaanka koodka ugu kaca kibir iyo haasaawe

mar hadoow kalaamana afkaa kabax la siihaayo

mid kubeertaa kaligeed hadoow keeni kariwaayo

haka soo kacyee koob rinji ah ha ila kululeesto.

Cabdulle raage fariintii aabihii markii loo keenay

wuxuu markiiba u diray kubeertadii oo uu

u sii raaciyey fariintaan .

kubeertada haloo geeyo aabahey yow is kululeyne

oo yuu is dhihin wiilka kaa kibiryey

kursi kuma fadhiyoo

keysaneey iyo kaawaan jibiyaahe

kutkudihii i cunayna mihiyoow igu kora haayaahe.

Gabayadiisa waxaa kaloo ka mid ahaa:

gabdhahaan guntiga gaabsadoo garabka nuuxaayo

oo kobaha geeska leh gataa gubey aduunkaandhan….

Cabdulle Raage waxaa uu halgan weyn u soogalay

sidii ay ummadda soomaaliyeed uga xoroobi laheed

gacanta taliskii hore ee macangagga ahaa

waxaanu kula dagaalamay afkiisa

iyo hibadiisa illaahiyada ah waxaanu ku guuleestay

sidii uu ummada soomaaliyeed meelkastaaba hajoogtee

u gaarsiin lahaa xurnimo.

Taariikhdii Cabdulle Raage waa sii socon doontaa

TIXYAR GEERIDII

CABDULLE RAAGE TARAAWIIL

ååååååå

Maalintii lasoo duugay Difaacii cabdulle raage

waa ugu danbeystiiye waa midaan dib loosii arkeyn

maanta dabadeede dad waa dhimanjiree

maalintaan dirici soo aasnay dariiqaas xawaalaha

markaan dib uga soo laabtay

åååååååå

dadkii reer wardhiigley markaan duhurki kaa waayey

daafaa indhaha iiga dhacay waana leydagaye

daanaa wadnaha iiga taal daaqalkaa dhexe e

anigoo dayaayaan arkaa meelaan leydirine

deeq iyo dagaal meeshuu iga dugaalaayey

daadaa iiga soogalay ninkii doqon ahaa mooge

derbigaan dul saaraan jiray ayaa hoos iigu soo dumay

naxariistii jano allaha siiyee cabdulle raage

durdurada janaad iyo allaha dahar qaboow geeyo

markii lagu dacweeyana alloow nabigi kuu doodo

aamiin aamiin

Waxaa Qoray, soona soona habeeyay tariikhda gabayaaga Soomaaliyeed ee Cabdulle Raage.

Meykal Xasan Cali

maikal311@hotmail.com

Jowharonline

Webmaster@jowharonline.com

 

 
 
 

This website was made using Yola.

No HTML skills required. Build your website in minutes.

Go to www.yola.com and sign up today!

Make a website with Yola